Hay’adda NISA ayaa howlgal ay qaadeen ku soo xiray shaqsi Muqdisho ku lahaa goob lagu duubo muuqaallo anshax xumo ah, oo dhowaanahan aad looga hadal hayey baraha bulshada….
Shaqsigaan, ayaa lagu magacaabaa Maxamed Mooge Maxamed (Walaal Goolaa), Ninkan ayaa wuxuu ku caan-baxay inuu soo duubo isaga iyo gabdho sameynaya muuqaallo ka hadlaya ama muujinaya sida la isgu galmoodo, iyo kuwa ay ku jiraan gabdho ka hadlaya rabitaankooda galmo, oo wiilal ku dheg-dhegaya.
Muuqaalladaas ayaa kadib lasoo dhigaa Channel YouTube ah, si daawashada muuqaalladaas kadib lacag looga sameeyo, halka mararka qaarna ay dad kasoo qaada YouTube kusii baahiyaan facebook.
Sida aan xogta ku helnay, Saraakiisha NISA ayaa sidoo kale ku raad joogta koox isaga la shaqaynaysay oo isugu jira wiilal iyo gabdho, kuwaasoo ahaa shabakad anshax xumada ku faafinaysay baraha bulshada.
Bilihii ugu dambeeyay waxaa aad u Kordhay Dhalinyarada Soomaalida soo dhigeysa YouTube muuqaallo qaarkood aan habooneyn, si ay ugu helaan daawasho badan, kadib markii la ogaaday in daawashada YouTube laga sameeyo Dhaqaale badan.