Ma Dhabaa in Wada hadal hoose ay wada yeesheen Beesha Cadaado iyo Shababka

Uncategorized

Warbixino hordhac ah ayaa sheegaya in Horjoogayaasha Kooxda Argagixisada Shababka ay si hoose u wadaan culeys saar ay ku hayaan Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka Beesha Cadaado, kadib markii laga dalbaday iney soo daayaan 150-Qof iyo Xoolahooda oo ay afduub ahaan u heystaan muddo dheer…

Xogtaan ayaa warsidaha Diinah.com news u sheegtay in Kooxda Shababka ay soo daayeen 28-Qof oo ka mid ahaa 150-Afduubka ay u heysteen waxaana ku jira 3-Haween ah oo Bukaan ah, inkastoo weli ay ku hayaan Degmada Xaradheere ee Gobolka Mudug una diideen iney magaalada ka baxaan.

Wararka ayaa sheegay in Kooxda Shababka ay shuruud ku xireen siideynta Dadka ay afduubka u heystaan in Beesha Cadaado ay mag-dhaw ka bixiso 100-kii Maleeshiyo ee looga dilay weerarkii magaalada Baxdo iyo iney Ciidamada Dowlada iyo Xoogaga Suufiyada ka baxaan Degaanka Qaayib, isla markaasna hub ka dhigis lagu sameeyo Xoogaga Suufiyada ee difaaca ku jira.

Ilaa hadda lama yaqaano Go’aanka Beesha ka qaadatay shuruudaan, balse waxaa xaqiiqo ah Maamulka Galmudug ay Dowladda Federaalka u qabatay ilaa bisha 5-da iney weerar qaadaan oo qabtaan degaanka Camaara, Abaabulka Howlgalada ayaa hakad ku jira degaanada Galmudug in muddo ah lamana yaqaano iney isku xiran yihiin labadaan arrimood.

229060cookie-checkMa Dhabaa in Wada hadal hoose ay wada yeesheen Beesha Cadaado iyo Shababka
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com