Maxaa loogu Sad-buursiinayaa Mr.Hagaajiye (Fahad) si Uu Garsoor gaar ah u helo

Uncategorized

Xafiiska Garyaqaanka Guud ee Dowladda, Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed, ayaa si degdeg ah uga jawabay, qoraal ka soo baxay Xafiiska Kaaliyaha Maxkamadda Sare, oo ku addan in ugu dambeyntii shalay uu Garyaqaanku ka soo jawaabo, dacwada oo Hagaajiye Fahad Yaasiin ka gudbiyay Guddiga FEIT…

Dr. Cusmaan Cilmi, wuxuu mar kale, ku celiyay inuu u baahan yahay waqti dheeri ah, si uu uga sal gaaro Baarista gunta dacwada, wuxuuna dalbaday in la siiyo labo todobaad, si uu ula kulmo, Guddoonka Guddiga Doorashooyinka ee la soo eedeeyay.

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa sheegay in Gudoonka Maxakamadda sare ay isku diyaarineyso iney si sharci darro ah u fasaxdo kursiga, Fahad Yaasiin, isla-markaana, ay wax kama jiraan ka soo qaado go’aanka Guddida Doorashooyinka, Sida ay Warsidaha Diinah.com news u sheegeen xubno u dhuunduleela Villa Somalia, Guddoomiyaha Maxakamadda sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, ayaa habeen hore xilli dambe, Farmaajo iyo Fahad Yaasiin kulan kula qaatay Madaxtooyada.

Waxaana loo balanqaaday 3-Millions US$ hadii uu Kursiga Hop#086, wuxuuna shuruud ku xiran in Qoraal ay soo saaraan Maamulka Hir-Shabelle oo ay ku dalbanayaan in laga qaado xayiraada Kursiga Mr.Hagaajiye, Sharci-yaqaannada ayaa dood weyn ka qaba, sharciga Maxakamadda sare u oggolaanaya iney faragaliso doorashada dadban, waxaana la isweydiinayaa, muxuu yahay sharciga, kaliya u adeegaya Fahad oo aan Ikraan Tahliil iyo dadka la midka ah u doodi karin.

182450cookie-checkMaxaa loogu Sad-buursiinayaa Mr.Hagaajiye (Fahad) si Uu Garsoor gaar ah u helo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com