Macluumaad hordhaca ah ayaa laga soo sheegaya laba ruux oo hubeysan oo shalay Xoogaga amniga ay ku dileen suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho…
Xogtaan ayaa tilmaamtay in dableyda la dilay oo laba ahaa ay ka tirsanaayeen kooxda Daacish ee Ku dhuumaaleysta buuraha Galgala, waxaana dilkooda uu yimid kadib markii ay iska caabin sameeyeen xilli la isku dayayey in hubka laga dhigo.
Xoogaga amaanka waxay sidoo kale sheegeen in dableydaasi la toogtay ay damacsanaayeen inay weeraro ka gaystaan suuqa Bakaaraha, inkastaOo aysan faah-faahin nooca weerarka.
Qof saddexaad oo rayid ah ayaa ku dhintay rasaasta ay is-weydaarsadeen kooxdii hubeysneyd iyo Xoogaga amaanka. Waxaa sidoo kale labada nin ee la sheegay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish ay dhaawaceen askari ka tirsan ciidamada, sida aan xogta ku helnay.
Kooxda Daacish ayaa awood ahaan saameyn ballaaran ku lahayn magaalada Muqdisho, mana jirin muddo fog wax weeraro qorsheysan ah oo ay ka fuliyeen magaalada, iyagoo xiligaan la sheegay iney dib u habeyn ku saneeyeen Howlgaladooda ay Maleeshiyaad cusubna soo geliyeen Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
Sanadidi tagtay, Kooxda Daacishta ay Magaalada Muqdisho ku dileen tiro dad rayid ah oo dhowr ah, kuwaasoo u shaqeynaayay shirkado ganacsi oo ay ka dooneysay lacag baad ah, hase yeeshee waxaa sida aan xogta ku helnay magaalada ka sifeeyey kooxda Shabaab kadib markii shirkadahaas ay ku dacweeyeen maadaama ay iyagu baad siiyaan.