WHO Warbixino Hordhaca Ah Ka Soo Saartay Covid-19 Ee Somalia

Health

Hey’adda Caafimaadka Aduunka (WHO) faraceeda Somalia ayaa warbixino hordhaca ah ka soo saartay xaalada Dalka ee la xiriirta Virus-ka Saf marka ah ee Coronavirus ee sida fudud u faafa….

Madaxa WHO-Somalia Mr.Mamunur Rahman Malik, ayaa daaha ka rogay in dadka laga baaray Cudurka Covid-19 ay gaarayaan 31 qof, dheecaanada laga qaaday Bukaanadaasi ayuu xusay in lagu baaray sheybaar ku yaal magaalada Nairobi oo ay Hey’adda Maamusho.

Wuxuuna xaqjiiyay in ilaa hadda 3- qof la xaqiijiyay in laga helay kuwaasoo ku sugan Magaalada Muqdisho, iyadoo 18-qof oo ka mid ah Bukaanada la baaray laga waayay astaamaha Cudurka Coronavirus, wallow ay sugayaan 10-Bukaan jawaabaha sheybaarka.

Kiisaska la tuhmaayo ayuu sheegay 16-qof oo Magaalada Hargeysa la baaray, ayuu cadeeyay in 3- ka mid ahi la karantiilay, waxeyna tiradaan ka duwan tahay sheegashada Maamulka ee 3 Qof, wuxuuna intaasi raaciyay in 7-kiis laga baaray Degaanada Puntland, iyadoo tiro uusan cayimin lagu karantiilay Magaalada Muqdisho.

Labada Qof ee ugu horeeysay ee qaaday Cudurka Coronavirus ayuu ku tilmaamay in xaaladoodu wanaagsan tahay mana jiraan astaamo kale oo ka muuqda, halka Bukaanka 3-aad oo ajnabi ay xumad heysa waxaana lagu karantiilay Xarunta Xalane, iyadoo dhamaan Dadkaan ay yihiin kuwa safar ku tagay Somalia, kana soo kicitimay dalalka laga helay Cudurka Coronavirus.

25220cookie-checkWHO Warbixino Hordhaca Ah Ka Soo Saartay Covid-19 Ee Somalia