Jilaalka Dhaqaale Ee Sharci-Dejiyayaasha & Bakhiilnimada Musharixiinta

Uncategorized

Iyadoo loo mudeysan yahay in 15-ka Bishaan Doorashada Madaxweynaha Somalia, ayaa waxaa soo shaac baxaaya jilaalka dhaqaale ee Xildhibaanada & Senaterada labada Aqal kuwaasoo la daaladhacaaya Jeeb cuncun dhaqaale oo muddo dheer deris la ahaa, sugina la’ Maalinta Doorashada…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Murrashixiinta jeebabkooda qoyan yihiin ayaa la soo sheegayaa inay wakiilladooda codad soo ururinta fareen inaysan wax dhaqaale ah siinin ama u ballanqaadin Xildhibaannada iyo Senatarrada u arka ololayaasha doorashada fursad laga fara-qabsado tartamayaasha, Musharixiinta way og yihiin in Xildhibaan ama Senatar uu cod u ballanqaadayo ugu yaraan laba Musharax — waa fursad dhaqaale oo Sharcidejiyuhu ku heli karo ugu yaraan 120,000 oo US$.

Sanadkii 2017-kii Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu olole ku bixiyay ugu yaraan 6 millions US$ Oahu, oo uu u qeybiyay Xildhibaanno iyo Senatarro aan ku beel ahayn, In ka yar 30% Xildhibaannadii iyo Senatarradii uu dhaqaalaha siiyay ayaa u codeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Kalamaan Musharixiinta waxay ku tashanayaan codadka xubnaha 2-Aqal, Xubnaha labada aqalna waxay ku tashanayaan jeebabka qoyan ee Musharixiinta:-

Aqoonyahan tiro badan oo olole doorasho wax ka abaabulay ayaa sheegay in Musharixiinta ay furi doonaan Boorsooyinkooda laga billaabo 10-ka Maajo. Iyagoo qaar ay qorteen shaqaale kor kala socda Xildhibaannada iyo Senatarrada ay codadkooda iibsan doonaan, Xildhibaannada iyo senatarrada doonaya inay codadkooda sarriftaan waxay ku talo jiraan in aan la arkin kulammada ay ballanqaadyada iska horjeeda ku samaynayaan.

Sheekh Shariif & Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu tilmaamay Musharixiinta waayo arag ah oo la hubo ineysan diyaar u ahayn in mar labaad la ajaro, Musharax kasta wuxuu isku dayayaa inuu yareeyo dhaqaalaha ku dhici karta jeebka Xildhibaanka ama Senatar-ka aan u codeyn doonin isaga.

187280cookie-checkJilaalka Dhaqaale Ee Sharci-Dejiyayaasha & Bakhiilnimada Musharixiinta