Galbeedka Africa Oo Laga Cabsi qabo inuu ka Qaxo Dagaal Lagu Hoobto…

Africa News

Kadib markii Afgami aan dhiig ku daadan ka dhacay Dalka Nijer ayna talada la wareegeen Ciidamada Madaxtooyada, isla markaasna ku wargeliyeen Ciidamada France iyo USA oo fariisimo ku degaano ka tirsan Dalkaasi iney isaga baxaan muddo gaaban, inkastoo ay diideen Dalabkaasi Dalka France..

Wararka ayaa sheegayaa in Dalalka USA, UK. & France ay culeys ku saareen Urur Goboleedka ECOWAS iney fara gelin Ciidan ku qaadaan Ciidamada Qabsaday Talada Dalka, iyaguna diyaar u yihiin iney ka taageeraan dhanka Diyaaradaha iyo Saadka Ciidamada, waxaana maanta ku eg wakhtiga loo qabtay Ciidamada iney soo celiyaan Maamulkii Rayidka.

Dhanka kale, ilo Amaan Reer Galbeedka ka tirsan ayaa sheegay in Magaalada Niajmey ay soo gaareen tiro Saraakiil isugu jirta Kooxda Wagner iyo Ciidamada Dalka Mali kuwaasoo sheegay iney taageero u fidin doonaan Saraakiisha Ciidamada ee Afgambiga fuliyay, talabaadaan ayaa u muuqata in Dagaalkii Russia iyo Ukraine loo soo xawilay Galbeedka Africa.

Hogaamiyayaasha Afgembiga ayaa la kulmaaya Caqabado dhinacyo badan kadib markii ay diideen tiro badsn Danjirayayaal ah iney Dalka soo galaan, iyagoo ku adkeysatay iney u hogaansami doonaan Madaxweynaha Xilka laga xayuubiyay Mr.Maxamed Bazoum oo xabsi guri ku jira, isagoo uu baaq u jeediyay Dalalka USA & France iney soo fara geliyaan.

270290cookie-checkGalbeedka Africa Oo Laga Cabsi qabo inuu ka Qaxo Dagaal Lagu Hoobto…