Israsaaseyn iyo Qarax Miino Oo Khasaare geystay oo ka Dhacay Magaalada Mogadishu…

Somalia news

Faahfaahin ayaa laga helayaa weerar ay Tiro Dabley ka tirsan Maleeshiyaadka kooxda shabaabka ay ku qaadeen Ciidan ku sugan agagaarka dhismayaaaha Ceymiska ee Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay..

Wararka ayaa sheegaya in rasaas la is dhaafsaday sidoo kalena la maqlay jugta dhawaq loo maleynaayo Hoobiye ama Bam gacmeed, Sikastaba, wali si rasmi ah looma shaacin karo waxyeelada ka dhalatay is-rasaaseyntaasi Ciidamada Dowlada iyo kooxda shabaabka soo gaaray, iyadoo la sheegaya in  baxsadeen.

Dhanka kale, waxaa xalay la dhigay oo qaraxday Miino Wadada dhinaceeda la dhigay agagaarka halka lagu magacaabo S Campany degmada Heliewaa ee Gobolka Benaadir, iyadoo la sheegay in ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday mid kalena waa ku dhaawacmay Qaraxa miinadaasi, goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa lala damacsana Gaari ay leeyihiin Ciidamada Amaanka balse uu haleelay Mooto Bajaaj.

270250cookie-checkIsrasaaseyn iyo Qarax Miino Oo Khasaare geystay oo ka Dhacay Magaalada Mogadishu…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com