Dalalka Daneeya Somalia Oo aan ka Hadlin Xiisada & Sababta ka Dambeysa..

Africa News Somalia news


Heshiiskii is-afgarad ee dhex maray Ethiopia iyo Maamulka gooni Goosadka ee Somaliland, wuxuu dhaliyey caro badan, hadal hayn iyo su’aalo ku aadan Sida ay Dowlad ugu dhiiran karto in Dhul kale ay boobto, waxaase jira su’aale kale oo aan weli laga jawaabin kuwaasoo ah, Dawladaha Daneeya Siyaasadda Somalia qaarkoodna ay saaxiibaha yihiin ee an weli ka hadlin arrinkan & sababta…

Waxaa ugu horeeya Sacuudiga, Djibouti iyo UAE, Imaaraatku wuxuu Ethiopia iyo Somaliland la lahaa xiriir Ganacsi iyo dhaqaale, iyadoo UAE u yahay xiligaan Dalka kaliya ee maal geliyey Maamulka Somaliland ee dib u dayactiray Dekada Berbera, ku darsoo Dagaaladii Ethiopia la gashay Maamulada Tigrey iyo Amxaarada waxaa ku garab siiyay Saanad, Sahay iyo Qalab Ciidan Waa UAE.

Khubaro badan ayaa aaminsan in UAE sababaha ay uga gaabsatay ka hadalka Khilaafka Ethiopia iyo Somalia ayaa lagu sheegay iney tahay iney taageeraan Dowlada Ethiopia iyo Maamulka Somaliland, talabadani ay dib u dhac ku tahay Maamulka Xasan Sheekh oo isu heystay inuu heysto Taageerada UAE safaro badan ku bixiyey markii la doortay.

Xasaasiyada ku wareegsan heshiiska is-afgarad oo ay ku jirto arrin aqoonsi ay keenayso in Dalalku ay ka fiirsadaan xiliga ay ka hadlayaan iyo sida ay uga hadlayaan, maxaa yeelay waa arrin ugub ah in Dal uu ku dhiirado inuu heshiis Masiiri ah la gaaro Maamul Gooni isu taag ah, inkastoo khubarada qaarkood ay farta ku godeen aamusnaantooda ay ugu wacan tahay sida ay Somalia arrinta u wajahday.

iyadoo Dareenka diblomaasiyadeed ee Dowlada Federaalka uu noqday mid aad u hooseeya, taasaana keentay in Ururrada iyo Dowlado inta badan oo taageersan Somalia aanay si togan uga falcelin marka laga reebo Masar iyo Qatar oo ay xiriir saaxiibtinimana leeyihiin, isla markaan Masar iyo Ethiopia ay isku hayaan webiga Nile.

298450cookie-checkDalalka Daneeya Somalia Oo aan ka Hadlin Xiisada & Sababta ka Dambeysa..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com