Madaxweynaha Kenya Oo Tababar u xiray Geel Loo Carbiyay La-dagaalanka Kooxaha Argagixisada

Africa News

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa sheegaya Ciidamada Kenya ayaa ilaa 200 oo neef oo Geel ah tababartay kuwaasoo loo aqoonsaday inay diyaar u yihiin howlgal rasmi ah oo ka dhan ah Kooxda argagixisada Shabaabka ee ka soo talaaba xadka Somalia…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Ciidamada ku howlanaa tababarka Geella ayaa sheegay in loo tababaray miinooyinka iyo walxaha qarxa kadibna ogaysiiyaan askariga la socda, dhawaan ayaa Geelan dhoollatus awoodooda lagu soo bandhigay waxaa lagu qabtay degmada Isiolo markii Madaxwayne Uhuru Kenyatta uu si rasmi ah ugu dhawaaqay inay jirto Horin Camel Calvary Team, oo ah nooc cusub oo ka mid ah xayawaanka Boliiska oo awal ahaa eeyo iyo fardo kaliya.

Waxaa lagu tababaray Geellan degaano kala duwan oo kala joog sarreeya, sidoo kale dhulka qallalan ayaa lagu tababaray, si ay ula qabsadaan xaalad kasta oo soo wajahda, Sida Degaanada Cherengany Hills, Mombasa, Mandhera, Isiolo, Taita Taveta iyo Naivasha ayaa ka mid ah goobaha ay ka howlgeli doonaan Geellan sida ay Saraakiishu sheegeen.

202530cookie-checkMadaxweynaha Kenya Oo Tababar u xiray Geel Loo Carbiyay La-dagaalanka Kooxaha Argagixisada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com