Shaqo La’aanta Dhalinyarada Somalia Gaartay Heerkii ugu Hooseysay & Sababta…

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay Somalia Heerka shaqo la’aanta Dhalinyarada ayaa gaartay heerkii ugu hooseysay, iyadoo lagu eedeeyay Maamuladii Dalkaan isaga dambeeyay ineysan soo bandhigin qorshe cad oo Dhalinyarada ka badbaadisay ku biirista Kooxaha Argagixisada iyo Tahriibka…

Qiyaastii in Tirada guud ee Shacbiga waxaa la sheegaa in Dhalinyarada Somalia ay yihiin 70%, Maamulada Dalka ayaan ku guuleysan iney hirgeliyaan shaqooyin najaxa oo hoose u dhiga shaqo la’aanta baahsan ee Dhalinyarada iyi saboolnimada si weyn u saameysay Maareynta nolosha, iyadoo la sheegay in dhibaatada ugu weyn ay xiligaan heysata Dhalinyarada ayaa ah in Shaqooyin yar lagu xulo Eex iyo Nin jecleysi.

Khabiirada ka faallooda arrimaha dhaqaalaha Somalia waxay u arkaan in arrintaan ay sabab u tahay shaqo la’aanta waddanka oo kasoo kabanaya colaado iyo Dowladda oo aan haysan dhaqaale shaqooyin badan lagu abuuro iyo Musuq la dagay Nidaamka dhisan.

Mashruuca Kooxaha Argagixisada

Mashruucaan oo Dalkaan looga soo xawilay Bariga Dhexe, Afghanistan iyo Pakistan ayaa ka dhigay Xaabo dabka lagu shito Kumanaan Dhalinyaro Soomaaliyeed, kuwaasoo iyagana galaaftay Kumanaan kale oo Shabci, Mas’uuliyiin iyo Ciidamo Soomaaliyeed, waxaana la qiray in Horgalada kooxaha Argagixisada ay uga faa’iideystaan Dhalinyarada shaqo la’aanta Baahsan.

Dhalinyaradaan ayaa lagu soo xero geliyaa in la siinaayo Mushaar u dhaxeeya 200-400 US$ iyi iney u qabanayaan Shaqooyin u badan Sahmin iyo Qarinta Hubka iyo Rasaasta, waxaana qoorta loo geliyaa Dembiyo Culus si Dhalinyarada ugu qasbanadaan iney u hogaamsamaan Horjoogayaasha ilaa ay gaasiiyaan inuu Naftiisa ku haligo.

Mashruuca Tahriibka

Mashruucaan ayaa la tilmaamay inuu dhibaato weyn ku hayo Dhalinyarada ka baxsata Shaqo la’aanta iyo ka mid noqoshada kooxaha argagixisada, waxeyna miiciin biidaan iney Tahriib khatar u geliyaan Naftooda, iyagoo Dalal sii dhex mara kuwaasoo Dhul saxaro lama degaan ah iyo Badaha, kadibna hambada ka soo harta waxey qaxooti ahaan isaga dhiibaan Dalalka Europe, UK, USA, Khaliijka Carabta, nolol hooseysana halkaasi Xamaali iyo Nadaafada halfan ugu galaan sidii ay u xoogsan lahaayeen.

Sidaa daraadeed Shaciga Soomaaliyeed wuxuu ka sugayaa Madaxda Dalka qorshe ku salaysan:-

-In la abuuro Siyaasad Dowladeed oo leh qorshe cad oo ku jihaysan wax soo saarka in loo jiheeyo dhaqaalaha dalka, Shacab iyo dowladba oo la maalgeliyo dadka xeebaha la dejinayo ee Kalluumaysatada, qodatada iyo xoola dhaqatada bilaabay hadda inay bedelaan qaabkii loo dhaqan jiray Xoolaha.

-In mudnaanta kowaad la siiyo dhiirri gelinta iyo Horumarinta Hay’adaha wax soo saarka sida Wasaaradaha Beeraha, Xoolaha, Kalluumaysiga iyo Waxbarashada.

-In Ganacsatada soo degsanaysa badeecooyin dalal kale lagu sameeyay, ay ku bedelaan wershado yar yar oo dadku shaqo abuur ka helo, dhaqaaluhuna ku kobco.

-In Manhajka Dugsiyada Waxbarashada mudnaanta kowaad la siiyo iyo dhiirri gelintaba sida dugsiyo xirfadeed looga furi lahaa magaaloyinka xeebaha ee kalluumaysi, kuwa beeraha iyo xanaanada xoolaha oo xirfadlay.

279060cookie-checkShaqo La’aanta Dhalinyarada Somalia Gaartay Heerkii ugu Hooseysay & Sababta…