Ma Dhabaa in Kulamo Siyaasadeed loogu Qabtay Magaalada Nairobi Maamulada Gobolada..

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa xaqiijinaaya in magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ay ku wada sugan yihiin Madaxweynayaasha Masmulada Puntland, Koonfur Galbeed & Jubbaland, maalmo ka horna waxaa is arag ku yeeshay isla magaaladaas Madaxda Galmudug & Koonfur Galbeed…

Dhaqdhaqaaq cusub oo la sheegay iney saameyn ku leeyihiin Wakiilada Saaxiibada Somalia, iyagoo doonaaya iney culeys ku saaraan sidii Dagaalada socda qeyb uga noqon lahaayeen iyo Mas’uuliyiintaan oo muddo xileedkoodu dhamaadka yahay u qaban lahaayeen Dooraaho wadar oggol ah, inkastoo degaanada qaarkood laga cabsi qabo iney dagaalo sokeeye ka qarxaan.

Lama filayo in ay is arag yeeshaan Siciid Deni & Axmed Madoobe oo mar ahaa saaxiibadii iskugu dhawaa siyaasadda Dalka, balse ay kala kaxeysay doorashadii May 2022kii ka dhacday Muqdisho, hayeeshee warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in ay suuragal tahay iney kulmaan Siciid Deni & Laftagareen, oo aan shuraako aheyn doorashadaas.

279100cookie-checkMa Dhabaa in Kulamo Siyaasadeed loogu Qabtay Magaalada Nairobi Maamulada Gobolada..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com