Ma Dhabaa in Kulanka Madasha Wadaashiga Ee Mogadishu ay Ku Loolamayaan Argtiyo Is-Diidan..

Somalia news

Waxaa maalintii 2-aad galaya Kulanka Madasha Wadarashiga Qaran, iyadoo ay soo shaac baxaayaan Aragtiyo is-diidan oo dhinacayadaan kala wataan, inkastoo natiijada (Kulankaan) ka soo baxa lagu qotamin iney wax ka bedelaan Jihada Siyaasadeed ee Dalka aadi doono Mustaqbalka, rajadana ay aad u yar tahay in lagu heshiiyo..

Xuuraanka laga helaayo (Kulankaan) ayaa xaqiijinaaya in Qodobada miisaka saaran ay ugu mihiimsan tahay Malafka Doorashada, iyadoo ay Villa Somalia u ololeyneyso doorasho qof iyo cod ah, balse waxey wajahaayaan caqabad cusub oo ah in Madaxda Dowlad Gobaleedyada ay doonayaan inay qabsadaan doorasho Dad-ban si gaara uga dhacda maamuladooda si mar kale ay u soo laabtaan.

Dhinaca kale, Golaha Wadatashiga ayaa dood adag ka yeeshay Maqaamka Maamulka SSC-Khaatumo lagu soo daro Kulanka, waxaana la xaqiijiyay iney aad u diidan yihiin oo culeys ku saaray Madaxweynaha Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Ra’iisul wasaare Kuxigeenka iyo tiro badan Xildhibaano ka soo jeeda Waqooyiga Dalka kuwaasoo doonaya inuusan Hogaamiyaha SSC-Khaatumo lagu casumin Kulanka.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, Golaha ayaana cod loo waydiin doonaa in shirka uu ka qaybgalo iyo in kale, si kastaba natiijada ka soo baxa kulankaani wuxuu wax ka bedeli doonaa Jihada Siyaasadeed ee uu Dalku cagra saari doono mustaqbalka inkastoo Go’aankaasi aysan ka mid aheyn Maamulada Somaliland iyo Puntland.

326890cookie-checkMa Dhabaa in Kulanka Madasha Wadaashiga Ee Mogadishu ay Ku Loolamayaan Argtiyo Is-Diidan..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com