Dacwado Laga Gudbiyay Saraakiil Ka Tirsan Madaxtooyada & NISA

Somalia news Uncategorized

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Dacwado laga gudbiyay Agaasimayaaaha Madaxtooyada Villa Somalia, Kan NISA iyo Saraakiil ka tirsan Boliiska kuwaasoo lagu eedeeyay iney ku lug lahaayeen Burburin Qalab iyo jir-dilo loo geystay Shaqaalaha Xarunta Idaacada Mustaabal ee Magaalada Mogadishu…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Xafiisyada Qareenada Heegan oo ka dhisan Magaalada Mogadishu ay Dacwado ku soo oogtay Agaasimaha NISA Fahad Yasin iyo Agaasimiye kuxigeenka Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed, iyagoo adeegsaday Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Xoogaga Hubeysan Haramcad (Paramilitary) iyo NISA iyagoo lagu eedeeyay iney qaateen Kombiyuutero iyo Kamirooyin oo ahaa Qalabkii Idaacada isla markaasna xireen Xarunta.

Sida ka muuqata Qoraalka hoos ku xusan oo ay soo saareen Qareenada Heegan, ayeey ku eedeeyeen labadaan Eedeysane lahaayeen amarada lagu howlgalay isla markaasna jir-dilo Loogu Geystay mid ka mid ah Shaqaalaha Idaacada Mustaqbal oo xiligaasi ku guda jiray shaqo.

117430cookie-checkDacwado Laga Gudbiyay Saraakiil Ka Tirsan Madaxtooyada & NISA