Suuqa Online-ka & Dhibaatooyinka Nolol-Burburka Xambaarsan ee Qoysaaka Soomaalida…

Business Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in Sanadihii ugu dambeeyay guud ahaan Dalka Somalia ay ka soo if-baxaayeen xadiga uu xambaarsan yahay Dhibaatooyinka Nolol-Burburka xambaarsan ee Qoysaska Soomaalida ee lagu dhaco Suuqa iyo Qamaarka Online-ka…

Xogtaan ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijisay in Qoysaska Dhawaan galka guurka ee dhaqaalaha kooban heysta ay macaash ka raadiyaan Suuqyada Online-ka, iyagoo lagu marin habaabiyo iney macaash badan ka faa’iidayaan ganacsiga 1XBet, Trade Bot-ka iyo kuwo kale ayaan darrose laga dhaco dhaqaalaha yar oo ay qoysaskaan heystaan.

Xuuraankaan ayaa xaqiijinaaya in Dhalinyaradaan lagu dhacay Noocaan cusub ee khiyaanada xambaarsan ayeeysan xog sax ah ka heysan waxa ay maalgelinayaan been badan loogu sheego iney faa’iido badan ka helayaan Ganacsiga Online-ka, maalmo kadibna ay hawada ka baxaan, ilaa hadda ma jiraan talaabo ay qaadeen Hey’adaha Amaanka gaar ahaan kuwa Caasimada, iyadoo dhacaani horseedi karo Dilal iyo Is-deldel.

Kooxdan barnaamijyada online-ka ah wadata ayaa baraha bulshada ku baahiya muuqaalo ay Dadka ugu sheegayaan inay sameeyaan maalgelin iyagoo helaya faa’iido u soconaysa sanad, taas ayaa keentay inay dad badan galaan iyagoon su’aalo dheeraad ah is weydiin, mana jirto Barurg Bulsho (Awareness) oo la xiriira ka hortaga burcada Internet-ka ee xatooyada dhaqaalaha kuwaasoo khatar gelin karta nolosha qoysaska Soomaaliyeed siiba Dhalinyarada.

Burcada Internet-ka ayaa tiro ahaan korortay sanadihii ugu dambeeyay, iyadoo Dalka Somalia ay ka mid tahay meelaha ay u soo shaqo tagaan marka laga tusaale qaato dhacdooyinka shantii sano ee tagtay sababo la xiriira xakamayn badan oo aan jirin, Trade Bot keliya ma aha waxyaabaha Soomaalida lagu jeeb siibto, Waxaa ka mid ah barnaamijyadii ugu caansanaa Forex, CJ ONSTYLE, iyo kuwo kale.

327040cookie-checkSuuqa Online-ka & Dhibaatooyinka Nolol-Burburka Xambaarsan ee Qoysaaka Soomaalida…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com