Qalalaasaha Ethiopia:-Dagaal Lagu Hoobtay Oo Dib uga Qarxay Waqooyiga Ethiopia

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Abaabul xoogan iyo Dagaalo lagu hoobtay oo ka socda Waqooyiga Ethiopia, iyadoo Madaxda Dalkaasi ay wadaan abaabulka Ciidamo gaaraya 1-Million oo iskugu jira Mileteriga Ethiopia, Eritrea, Maamulada iyo Maleeshiyaadka Oromada iyo Amxaarada ee Fana ayaa weerarka lagu qaaday Tigreega qaybka ah…

Wararka ayaa sheegay in Abiy uu dalbaday in dib loogu dhigo wada xaajoodka laba Todobaad, isagoo hadafkiisu yahay in gulufka uu qaaday Ururka TPLF lagu soo afjaro muddo gaaban gudahood, Ethiopia ayaa 12-Drones cusub ee Ciidamada ah oo deeq ah ka heshay UAE waxey sidoo kale u fidiyeen taageero Dhaqaale.

Waxa jira walaac kordhaya oo ku saabsan midnimada Ethiopia, iyadoo colaadda dhanka woqooyi ee gobolka Tigray ayaa ka sii darayso, Dagaal dheer oo sagaal bilood u dhexeeyey xoogaga falaagada Tigray iyo milatariga Dalkaasi iyo xulafadooda ayaa badanaa ku kooban Tigray lafteeda.

Dagaalkii socday 5-ta maalmood ee la soo dhaafay, waxaa Tigreega looga qabsaday Shiro, Adhido iyo Sogado, halka Jabhada Tigreegu waxay Gacanta ku dhigeen furinta dhanka Amxaarada Magaalooyinka Qobe, Robot, Warkiye iyo Aboot.

Dhanka kale Madaxweynaha cusub ee Kenya W.Ruto ayaa Uhuru Kenyatta u magacaabay Ergayga gaar Ka ah ee u xilsaaran xalinta dagaalka ka socda Waqooyiga Ethiopia, iyadoo mudan in xuso in Mr.Uhuru uu yahay Sxb dhow oo xiriir Wanaagsan la leh TPLF, waxaana talabaasi soo dhaweeyay Dalalka reer Galbeedka oo taageera Ururka TPLF.

213910cookie-checkQalalaasaha Ethiopia:-Dagaal Lagu Hoobtay Oo Dib uga Qarxay Waqooyiga Ethiopia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com