Ma Dhabaa In Ciidamada Ethiopia ee ku Sugan Gobolada Gedo & Bakool ay Canshuur Qaadaan…

Africa News Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Degaano hoos taga Gobolada Bakool iyo Gedo ayaa sheegaya iney Degaanadaasi ka bilaabeen iney Canshuur (Baad) ka qaadaan Shacbiga Soomaaliyeed ee ku nool halkaasi, talabadaan ayaa u muuqta mid sharci darro ah, Dowlada Federaalkana ay ka aamusan tahay iney wax ka qabto…

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamadaan Ethiopia oo aan ka mid aheyn kuwa ATMIS ayaa Ganacsatada iyo Gadisleyda degaanka qori caaradiis uga qaada Baad (Canshuur), talabaadaan ayaa la sheegaya iney timid Maamulka Addis abeba oo Saraakiishooda ku wargeliyay iney Canshuurta qaadaan.

Dowlada Federaalka ayaa muddo waday qorshe dhamaan looga saaraayo Ciidamada Ethiopia ee ATMIS iyo kuwa aan ka tirsaneyn ee ku sugan Gobolada Gedo,Bakool, Bay iyo Hiiraan, waxaana lagu wadaa in dhamaadka Sanadkaan ay booskooda buuxiyaan Ciidamo ka socda Dalka Eritrea.

329230cookie-checkMa Dhabaa In Ciidamada Ethiopia ee ku Sugan Gobolada Gedo & Bakool ay Canshuur Qaadaan…