Godoomiye Degmo Oo Qarax Miino Lagu Weeraray

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax miino oo lagu weeraray Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Ee Gobolka Benadir iyo Saraakiil Amaanka ka tirsan kuwaasoo ku sii jeeday degaanka Daaru-salaam Ee Duleedka Magaalada Mogadishu…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya qaraxaan uu ahaa miinada soo booda oo wadada dhinaceeda lagu diyaariyay waxaana la sheegay in labada ka mid ah Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Axmed Cabdulahi Cariif ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo loo qaaday Isbitaalada Magaalada Mogadishu si gargaar Caafimaad loogu fidiyo.

Qaraxan ayaa noqonaya kii 2-aad oo maanta ka dhaca magaalada Muqdisho , waxaana qaraxyada miino noqdeen kuwa kusii kordhaya wadooyinka magaalada Muqdisho, iyadoona lala eegto inta badan gaadiidka ciidanka iyo kuwa masuuliyiinta wataan.

98530cookie-checkGodoomiye Degmo Oo Qarax Miino Lagu Weeraray