Sicir Bararka Maciishada Oo Suuqyada Somalia Laga Dareemay

Somalia news

Maalmahaan waxaa guud ahaan Suuqyada Dalka gaar ahaan kan Caasimadda laga dareemay kororka Maciishada oo si xowli ah u socoto Sida Raashinka iyo waxyaabaha kale daruuriga ah Ee muhiimka u ah nolosha qoyska, iyadoo maalmo kooban uu ka harsan yahay Bisha Barakeysan ee Ramadan….

Sicir Barack Suuqyada ka taagan xiligaan ayaa la sheegay inuu sabab u yahay sabeynta, Waxaa la sheegay in qiimaha Cuntada lagama maarmaanka ah oo kororkeedu xiligaan u dhexeeyo 15-70%. Badeecooyinka kale ee muhimka ah kuwaasoo qaarkood sicirku uu kor u dhaafay 60%, haddii uu sii socdo kororka Badeeceeyinku waxaa ka dhalanayo iney Dadku iibsan waayaan, kadibna Ganacsatadu waayayaan Faa’iidadii ey filan lahaayeen kadibna waxaa laga yabaa iney hakad geliyaan Badeecadihii ay Suuqa geyn lahaayeen, iyadoo sidoo kale uu saameyn ku yeelan karo Dhaligii Canshuurta ee Dowladu ey ka heli leheyd Badeecadaha.

Iyadoo Bisha Barakeysan ee Ramadaan ay maalmo kooban ay ka dhiman tahay, Waxaa cabsi xoogan laga soo sheegayaa Dadka Danyarta ah iney ku adkaato sidii ay maareyn lahaayeen kharajka Ramadaanka, Bacdamaa Awoodii wax iibsi uu hoos u dhac ku yimaado, Mushaaraadkiina aan la kordhin karin. Isla markaasna aysan ehelkooda Qurbaha Jooga uu xitaa saameyn ku yeesho dhaqaalihii ay soo diri jireen sababo la xiriira Covid 19.

108950cookie-checkSicir Bararka Maciishada Oo Suuqyada Somalia Laga Dareemay