Ma Runbaa in Wafdigii Yuhuuda laga saaray Hoolka shirarka ee Midowga Afrika

Africa News

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helaayaa codsi ay Hordhigeen Dowladaha Algeria iyo South Africa Kulanka Madaxda AU ee ka socda Magaalada Addis abeba, iyagoo dalbaday in Wakiilka Dowladda Isreal laga saaro Hoolka Shirka..

Wararka ayaa sheegay in Saraakiisha Amaanka ee Hoolka Shirarka ay ku amreen kuxigeenka Agaasimaha waaxda artinaha Africa qaabilsan ee Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Dowladda Israel Sharon Bar-li iyo Xubno kale oo ku wehliya shalay subax, halkaasoo ay doonaayeen iney ka qeyb galaan Shirka Madaxda AU-da goob joog ahaan.

Afhayeenka Gudoomiyaha Guddiga Midowga Aftica Mrs.Ebba Kalondo, ayaa sheegtay in Ergada Israel laga saaray Hoolka sababo la xiriira ineysan aheyn Safiirada Israel u fadhida Addis abeba, Dowladda S/Africa ayaa ku gacan seyrtay eedaha kaga yimid Israel, waxeyna sheegeen in go’aanka ay ku timid haweeneydaan aan Madaxda AU aysan wada oggolaan.

Dowladda Yuhuuda ayaa loo oggolaaday iney Kulumada Madaxda Aftrica ay goobjoog u soo firsadaan bishii Luuliyo 2021-kii, kadib markii ay lumisay maqaamkeeda sanadkii 2002-dii, kafib markii Madaxweynihii Libya uu Madaxda AY-da cadaadis ku saaray in laga goojiyo Ka qeyb galka Kulamada, xiisadan ayaa wajo gabax ku tahay Saameynta Siyaasada USA, oo sanadihii ugu dambeeyay lumiyay awoodii & Saameyntoodii Siyaasada arimaha Dibada.

242840cookie-checkMa Runbaa in Wafdigii Yuhuuda laga saaray Hoolka shirarka ee Midowga Afrika
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com