Xildhibaan Abiib ee Somaliland oo Sheegay inuu La-Tashiyo dib ugu Laabanaayo Degaankiisa..

Somalia news

Magaalada Hargeysa ayaa todobaadkii ugu dambeeyay waxaa ka taagnaa xiisado salka ku haya in Xasaanadaha laga xayuubiyo 4-Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Wakiilada ee Maamulka Somaliland kuwaasoo ay Maamulka Muuse Biixi ku eedeeyay iney dhibaato ku yihiin Midnimada Dadka Degan Goboladaasi…

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka soo jeeda Gobolka Awdal kana mid ah 4-ta Xildhibaan ee Eeda loo jeediyay ayaa si adag uga hadlay Arrimaha uu wado Gudoomiyaha Wakiilada Yaasiin Faratoon oo kasoo jeeda Gobolka Sool, isagoo hoosta ka xariiqay in Mr.Faratoon uu reerkiisu ka xoreysteen Maamulka Muuse Biixi degaanada Gobolka Sool uusan awood u laheyn inuu Shir-gudoomiyo Golaha.

Wuxuuna Xildhibaanka Mr.Abiib ayaa ganafka ku dhuftay eedaha loo jeediyay, isagoo sheegay inuu Dib ugu laabanaayo Gobolka uu kasoo jeedo isla markaasna talada Shacbiga Degaanka la wadaagi doono si go’aan mideysan looga qaato Ugaarsiga iyo Bah-dilida lagu hayo Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta Degaanka ka soo jeeda isla markaasna go’aan mideysan kaqaadan doonaan iney jasii mid noqdaan Maamulka Somaliland.

336120cookie-checkXildhibaan Abiib ee Somaliland oo Sheegay inuu La-Tashiyo dib ugu Laabanaayo Degaankiisa..