Kulan Ka Dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Kulan adag oo ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, kaasoo u dhaxeeyay Farmaajo, Rooble iyo Fahad, waxaana looga dooday Isbedelada Hogaanka Ciidamada, Kulanka Doorashada iyo Qodobo kale oo muhiim ah…

Kulankaan ayaa la sheegay inuu ka hadlay Adeege Fahad, wuxuuna ku booriyay Mr.Rooble inuusan u dabcin dalabyada Mucaaradka iyo Maamulada Gobolada, kuna Aadan in isbedel lagu sameeyo Hogaanka Ciidamada, isagoo sidoo kale soo jeediyay in Kulanka Xalinta Khilaafka Doorashada furitaankiisa iyo shir gudoonkaba loo daayo Farmaajo.

Mr.Rooble oo aad uga carooday Hadalada deel-qaafka Adeege Fahad ayaa ka dalbaday inuu ka baxo Shirka, bacdama uusan kaalin ku laheyd Kulanka Madaxweynaha wakhtiga ka dhamaaday iyo Wasiirka 1-aad Ee xil gaarsiinta (Rooble), isagoo u codsaday Farmaajo inuu joojiyo fara gelinta iyo isbaarada uu u dhigaayo Kulanka loo madlan yahay.

Ilo Wareedyo ayaa sheegaya in Farmaajo uu qorsheystay inuu ku kalaho goobta lagu qabanaayo shirka si uu uga hor mari Madaxda kale Ee shirka ka qeyb galeysa, wuxuuna si hoose u wada qorshe uu ku doonaayo inuu ku burburiyo ama ugu yaraan uu buuq iyo qalalaase ka dhaliyo si loogu kala tago

120100cookie-checkKulan Ka Dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia