Farmaajo Oo Lagu Amray In Maamulka Doorashada U Wareejiyo

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa dood adag oo dhex martay Mr.Farmaajo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday iyo Danjiraha USA Ee Qaramada Midoobay Linda Thomas-Greenfield, iyadoo lagu wargeliyay Farmaajo inuu si deg deg ah ugu wareejiyo Howlaha Doorashada Wasiirka 1-aad Ee Xil gaarsiinta….

Waxaana la sheegay in Mr.Farmaajo loo sheegay inuu ku guuldareystay inuu Dalka ku Hogaamiyo Doorasho wakhtigeeda ku dhacda, isla markaasna ay Dowladda Mareykanka ay ka go’aan tahay iney si dhow ula socon doonto Arrimaha Doorashada Somalia.

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Soomaaliya u dirtay golaha Amaanka ee Qaramada midoobay oo ku kala taariikheysan 31-kii Mari iyo 9-kii April 2021 ayaa mid loogu tala galay Taageerayaasha jidbeysan in lagu seexiyo guuldarada lagala Kulmay Danjiraha USA, waxaana ka lagu sheegay:

  1. In Doorashada waddanka ee Soomaaliya , ay sida wadamada kale ee madaxbanaan ay arin khusaysa wadanka , waxaa ka arinsanaya go’aankeedana qaadanayaana waa hay’adaha wadanka sida ku cad xeerka NO. 30 ee baarlamaanka la mariyay, sidaas awgeed waxaan qadarin u haynaa taageerada hagar laa’aanta aan laba-labeynta laheyn ee UN-ka u hayso madax-banaanida Soomaaliya , midnimada dhulkeeda iyo madax-banaanida siyaasaddeeda.
  2. Dowladda federaalka waxay u arkaysaa faragelin kasto oo lagu sameeyo hanaanka doorashada wadanka ayna ku samaeeyaan quwada ajnabiya inuu yahay faragelin toos ah oo lagu sameeyay arimaheena gudaha taasoo jabin ku ah go’aamada golaha amniga shuruucada caalamiga iyo axdi Qarameedka QM ee aduunka
109450cookie-checkFarmaajo Oo Lagu Amray In Maamulka Doorashada U Wareejiyo