Maxaa Xiligaan Keenay in Guryaha Magaalada Mogadishu Lagu Xiro Kaamirooyinka CCTV..

Uncategorized

Bilihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay magaalada Muqdisho adeegsiga Kaamerooyinka (CCTV) ee dhaqdhaqaaqyada lagula socdo ee lagu xirto Goobaha ganacsiga, Guryaha iyo Xaafadaha Magaalada, inkastoo dhanka Amniga farsamo ahaan ay Shacbiga u wanaagsan tahay…

Hey’adaha Amaanka siiba NISA ayaa si hoose u waday in culeys lagu saaro Dadka awooda iney Guryahooda ku xireen Kaamirooyinkaan, waxaana soo shaac baxaaya in Shirkad Ganacsi oo Qalabkaan keentay lagu qasbaayo in laga iibsado, talaabadaan oo ka baxsan Nidaamka Amni laguna naas nuujinaayo Shirkadaan oo xiriir toos ah la leh Hogaanka fashilmay Gobolka Benadir.

Wararka ayaa sheegaya in Guryaha qaarkood ayaa hal xarun dhexe oo Kaamirooyinkaasi ah wada isticmaala sababo la xiriira Awoodii dhaqaale oo aan jirin si Amnigii Aagagaasi loogala socdo, nidaamkaan ayaa soo maray Marxalado kala duwan, waxaana la sheegay inuu aad hoos ugu dhacay falalkii carqaladeynta Amniga ee kooxaha Argagixisada ka wadeen Caasimada.

336600cookie-checkMaxaa Xiligaan Keenay in Guryaha Magaalada Mogadishu Lagu Xiro Kaamirooyinka CCTV..