NISA Oo Qabatay Shabakad Shabaabka ah..

Uncategorized

Hey’adda NISA ayaa shaacisay iney howlgal ay qaadeen ku soo qabteen Shabakad koox ka tirsan Maleeshiyaadka Shabaabka oo farsameyn jirtay Walxaha Qarxa, howlgalkaan oo la qaaday 26-28 January 2020.

Qoraalka oo la soo dhigay Barta Twitter-ka, ayaa lagu sheegay In kooxdaan lagu soo qabtay howlgal ay iska kaashadeen qeybaha Hey’adda Nabadsuggida, inkastoo aan faahfaahin laga bixin, almanac soo bandhigin magacyada shaqsiyaadka la tilmaamay, iyo halka uu ka dhacay howlgalku, inkastoo uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

“Howlgal qorsheysan oo NISA ka fuliyeen magaalada Muqdisho 26-28-January 2020, ayaa lagu soo qabtay shabakad qaraxyada u qaabilsan kooxda Shabaabka iyo maanooyinka qaraxyada laga sameeyay” ayaa lagu yiri qoraalka.

13800cookie-checkNISA Oo Qabatay Shabakad Shabaabka ah..