Maxaa ka jira in Heshiis hordhac ah laga gaaray Doodii ka taagneyd Deeqdii Kabka Miisaaniyada

Uncategorized

Waxaa muddo sanooyin ah taagneyd jahwareer ka taagneyd fahamka hab-raaca Kabka Misaaniyada iyo Kaalmada Caalamiga ah ee la siiyo Dowlada Federaalka, iyadoo Dowladaha Gobolada uu mid walba xusul duub u galay sidii Maamulkiisa loogu sad-buurin lahaa, waxaana dhibaatadaan asal u ah dhameystir la’aanta Qabyo qoraalka oo asaas u noqon lahaa Hab-raaca Nidaamka Maaliyada Qaranka…

Sidaas darteed Dowladda Federaalka & Maamulada Gobolada waxey isku heystaan dhaqaale qeybsi la garan la’yahay sababta, iyadoo ay dooda arrintaan ay u afduuban tahay Howlgalada Dowlada Federaalka iyo Maamulada, 27-kii bishii Luyliyo ayeey Bangiga Aduunka wuxuu ku dhawaaqay inuu Dowlada Federaalka ugu deeqay 93-millions US$ ah kabida Miisaaniyada 2022-ka.

Shirkii shalay ee ka qabsoomay magaalada Mogadishu waxaa looga dooday qodobo ay ka mid ahaayeen qeybsiga Kabka Miisaaniyada, Amniga, Abaaraha iyo wada shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Maamulada Gobolada gaar ahaan maamulada (Puntland, Galmudug iyo Konfur galbeed), oo xiriirkoodu aad u hooseeyo.

Waxaa lagu heshiishiyay in la qeybsado Dhaqaalaha kor ku xusan, waxaana loo qeybiyay sida hoos ku xusan:-

-Puntland waxaa loo qondeeyay 5-millions US$.

Halka 4-ta Maamul ee kale min 4-Millions US$ ay qaataan.

-Somaliland waxaa la siiyay 3-Millions US$

-Caasimada waa laga reebay Sanadkaan in la siiyo Kab miisaaniyadeed.

46-Millions US$ waxaa loo shubayaa deyn cafinta, iyadoo inta soo hartay lagu shubi doobo khasnada Dowladda Federaalka.

213010cookie-checkMaxaa ka jira in Heshiis hordhac ah laga gaaray Doodii ka taagneyd Deeqdii Kabka Miisaaniyada