Maxaa keenay in Tiro Meherado Ganacsi Oo Magaalada Boosaaso Ka Howlgalayay la Xiro..

Somalia news

Warar lagu kalsoonaan karo oo naga soo gaaray Magaalada Boosaaso ayaa muujinayaa in Tiro badan Meherado Ganacsi ay Albaabada u laabeen Ganacsatadii laheyd kadib markii kordheen hanjabaado kaga imaanaya Kooxaha Argagixisada (Shababka iyo Daacishta Somalia)…

Xogtaan ayaa sheegtay in Ganacsatadaan Talefono loo diray kadibna ugu hanjabeen iney gubaayaa meherahooda Ganacsi hadii aysan si deg deg ah u bixin lacagaha Baada ah (300-US$) bil kasta ee lagu soo qoray goobo timaha lagu jiro, iyadoo maalmo ka hor aheyd markii Dukaan Iibiya Qalabka Gadiidka ( Mareero Spere parts) wallow aan la soo warin khasaaraha ka dhashay.

Dhanka kale, waxaa dib loo furay Isbitaalka National oo ku yaal magaalada Boosaaso, kaasoo muddo todobaad ah xirnaa waxaana saameyn ku yeeshay xirnaanshaha qeybaha Bulshada, xogo loo qaateen ayaa xaqiijiyay in xiritaanka Xarunta Caafimaadka ay salka ku heyso Lacago Baad ah oo ay weydistay Kooxda Argagixisada Daacishta Somalia.

Maamulka Dani ee Muddo xileedkiisu dhamaadka yahay ayaan weli ka hadlin dhibaatada Amni ee lagu hayo Ganacsatada iyo Gadisleyda, waxaana lagu eedeeyay in Xoogaga Amaanka uu u weeciyay iney ka howlgalaan arrimaha Siyaasada, isagoo Tiro badan oo Ciidamo isugu keenay Magaalada Garoowe.

261630cookie-checkMaxaa keenay in Tiro Meherado Ganacsi Oo Magaalada Boosaaso Ka Howlgalayay la Xiro..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com