Shuruuc Lagu Xakameynaayo Mootooyinka Magaalada..

Uncategorized

Maamulka Villa Somalia ayaa diyaarinaaya shuruuc lagu xakameynaayo Mootooyinka Bajaajka ee sanadhii ugu dambeeyay aad ugu batay wadooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dhaqaale badan ka soo xaroota…

Ninka Mas’uulka ka ah Wasaarada Gaadiidka ayaa ka dhawaajiyay In la socdaan Mootooyinka iyo dhibaatada ay ku hayaan wadooyinka magaalada, wuxuuna intaasi raaciyay “waan la soconaa In Bajaajta ay aad ugu badan tahay magaalada, waxaan wadnaa shuruucdii lagu xakameyn lahaa”, isagoo aan soo hadal qaadin dhibbaatooyinka loo geysteen.

Mootooyinka Bajaajta waxaa ku shaqeysta dhalinyaro shaqo abuur ka waayay, Dowlada iyo kuwa ka soo laabtay Tahriibka, dhamaantood waxey ka siman yihiin iney ku maareeyaan noloshooda iyo tan qoyskooda,

Maamulka Farmaajo ayaa ku fashilmay iney xaliso baahi yaaa da’yarta, iyo dilalka bareerka ah ee joogtada noqday ayna u geysanayaan Wadayaasha Bajaajta, iyadoo Mootooyinka ay ka mid yihiin meelaha dakhliga maalinlaha ah ee canshuurta ka soo xarooto.

16340cookie-checkShuruuc Lagu Xakameynaayo Mootooyinka Magaalada..