Maamulka Villa Somalia Oo soo Bandhigay Xulashooyin la Xiriira Meqaamka Gobolka Benaadir..

Somalia news

Waxaa magaalada Mogadishu lagu qabtay Kulan howleedka ay soo qabanqaabisay Wasaarada Cadaalada salkana ku haya maqaamka Caasimada ee hanaanka dib-u-eegista Dastuurka, oo maalmahaan ka socday, iyadoo looga dooday argatiyo la xiriira xulashooyin hanaanka loo qorsheeyay iney yeelato Caasimada..

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macalin ayaa sheegay in Dowladu ay ka go’an tahay sidii loo dhameystiri lahaa Dastuurka, oo ayna qeyb ka tahay asteynta maqaamka caasimadda, wuxuuna sheegay, “Waxaa jira ka go’naasho siyaasadeed, waxaana Dowladu iyo guud ahaan Hogaanka sare ee Dalku ka go’an in Dastuurka la dhammeystiro, dastuurkuna ma dhameystirmayo iyadoo maqaamkii Muqdisho iyo metelaadiisa aan meel la saarin, maadaama Caasimadda, Maqaamkeeda iyo meesha la dhigi doono ay kamid tahay arrimaha masiiriga ah ee la doonayo in go’aan laga gaaro”.

Iyadoo Seminaarkaan looga dooday xulashooyinka miiska saaran ee maqaamka caasimaddu yeelaneyso oo kala ah:-

-Gobol Caasimad ah oo hoos yimaada Dowlada Federaalka ah.

-Caasimad dowlad gobaleed ah.

-Caasimad ku dhex taal Dowlad Gobaleed.

Waxaana ka qeyb galayaashu Seminaarkaan ay soo jeediyeen talooyin wax ku ool ah oo qeyb ka noqda talooyinka bulshada laga aruurinayo, Kulan howleedka ayaa qeyb ah kulamada joogtada ah ee wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurku ay bulshada kala yeelaneyso cutubyada dasuurka ee dib-u-eegistu ku socoto.

336760cookie-checkMaamulka Villa Somalia Oo soo Bandhigay Xulashooyin la Xiriira Meqaamka Gobolka Benaadir..