Hantidhowrkii Oo Shaqada ka Eryay Madaxii Xiriirka Isgaarsiinta ee Hey’adda..

Somalia news

Faahfaahin hordhac ah ayaa laga helayaa talaabo shaqo ka eryid ah oo uu ku dhaqdhaaqay Hantidhowraha Dowlada Federaalka, isagoo shaqo ka eryid ku sameeyay Agaasimihii Waaxda Warfaafinta ee Xafiiska Hantidhowrka, kaasoo qoray qoraal ka dhan ah Mas’uulka ugu sareeya Xafiiskaan…

Wararka ayaa sheegaya in Mr.Cabdalla Maxamed Axmed lagu eedeeyay inuu qoraal la wadaagay Madaxda Dalka iyo Shacbiga Soomaaliyeed, wuxuuna ku eedeeyay Hantidhowraha inuu ku tagri falay Awooda Xafiiska iyo beegsiga Dad ka soo jeeda Beelo gaar ah, Agaasimaha ayaa sidoo kale ku xusay qoraalkiisa in Xafiisyada Hantidhowrka uu ka dhex jiro Musuq iyo Eex.

Wuxuuna intaasi raaciyay in Mr.Guutaale (Hantidhowraha) uu lumiyay Kalsoonidii iyo Madaxbanaanidii Hey’adda ee ay Shacbiga Soomaaliyeed ku qabeen, iyadoo ilahaan intaasi raaciyeen iney jiri doonaan Tiro kale oo Shaqaale ah oo shaqada laga joojin doono mustaqbalka dhow.

274410cookie-checkHantidhowrkii Oo Shaqada ka Eryay Madaxii Xiriirka Isgaarsiinta ee Hey’adda..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com