Hub Iyo Rasaas Loo Daabulaayo Balanbale Iyo Cabudwaaq

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah Ayaa Warsidaha Diinah.com news u sheegay in Madaxtooyada Villa Somalia (Farmaajo) ay ku amartay Agaasimaha NISA in Hub, Saanad iyo Sahay si deg deg ah loogu wareejiyo Degmooyinka Balanbale iyo Cabudwaaq oo ka tirsan Gobolka Galguduud, kadib markii Uu Maleeshiyaadka beeshiisa Ee Gedo uu u raray Hubkii iyo Rasaastii Qaranka lagu difaaci lahaa…

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Hubkaan oo tiradoodu aan si Juba to ah loo haynin, ayaa lagu qiyaasay 500 qorayaha Ak-47 iyo G-3 (Fal) ee Turkiga lagu farsameeyo iyo 60-PKM iyo tiro aan la cayimin oo Rasaas ah, sido kale waxaa lagu wadaa in dhowr Gaari oo kuwa dagaalka ah la siiyo labada degmo Ee Beesha Madaxweynaha Somalia ka soo jeedo.

Hubkaan, Saanada iyo Gaadiidka ayaa lasheegay in loo Xil saaray Xikdhibaanada Cabdishakuur Cali Mire iyo Xikdhibaan Cabdi Shire (Ciyaar jecel), waxaana lagu iney dagaalo beeleed ka abaabulaan Gobolka Galguduud, iyadoo laga digay in Hubka Qaranka loo adeegsado Barakicinta Dadka rayidka ah Ee Galmudug.

83210cookie-checkHub Iyo Rasaas Loo Daabulaayo Balanbale Iyo Cabudwaaq