Dadaalada Dowlada Turkiga, Dabinada Ethiopia & Dabacsanaanta Dowlada Federaalka..

Africa News Somalia news

Sida ay tilmaameyso Wakaalada wararka ee Turkiga ANADOLU, wada hadalka Ankara ee u dhaxeeya Ethiopia & Somalia ayaa qaadan kara waqti ka dheer inta loogu tala galay, waxaana ay ciyaaraysaa Turkigu caawa “shuttle diplomacy-Rucleyn diblumaasiyadeed- “taasoo ah iney Is afgarad dhex dhigto Muqdisho & Addis Ababa, inkastoo dhinacyadaan aan xiligaan diyaar u aheyn…

Xuraano diblumaasiyadeed ayaa daaha ka rogaaya in aan wali lagu guuleysan is horfariisin rasmi ah oo labada dhinac ah, wada hadaladuna ay waqti dheer oo kale aadi karaan, iyadoo ay Maamulka Addis abeba ay ku wargeliyeen Diblomaasiyiinta Turkiga iney hayaan dukumentiyo balanqaad xambaarsan oo Maamulkii Farmaajo u balanqaaday inuu 4-Dekadood ku wareejin doono inkastoo aan Dukumentigaasi la horgeynin Barlamaanka Somalia.

Maxaa kasocda Caasimadaha 2-Dal?

Fiidnimadii hore ee xalay, Wasiirka 1-aad ee Ethiopia Abiy Axmed ayaa kulan gaar ah la qaatay Saraakiil sare oo ka tirsan Wasaaradaha Gaashandhigga iyo Arrimaha Dibada, waxaana ku jira 3-Sareeyayaal oo degaanada Somalia ka soo shaqeeyay, iyadoo aad looga tashaday sidii laga yeeli lahaa hadiiba Ciidmada Ethiopia laga saaro Howlgalka cudub ee Dalka Somalia ka bilaaban doono Sanadka cusub.

Ku darsoo Waxaa kaloo aad kulankaasi loogu falanqeeyay sidii degaanada Xuduudaha gaar ahaan Gobolada Gedo, Bay, Bakool, Hiiraan iyo Gobolka Mudug dib boorka looga jafi lahaa dib u hurinta colaadaha Beelaha iyo hubeynta Beelaha taageersan, talaabadaan oo u muuqata mid ay Maamulka Addis abeba ku doonayaan iney ku carqaladeyaan Nabada iyo deganaashaha isla markaasna aan la qaban doorasho.

Maamulka Villa Somalia ayaa dhankooda ka wada dadaalo aan cago badan ku taagneyn, waxeyna Villa Somalia isku dayeysaa in xaaladaha cakiran ee ka soo kordhay dhinac Ethiopia aysan la wadaagin Shacbiga Soomaaliyeed, xiriirka Ethiopia & Somalia ayaa aad u xumaaday kadib markii Ethiopia ay Heshiis is-afgarad la gashay Maamulka Waqooyiga Dalka, waxaana xigi doono heahiisyo kale ok Maamulada Dalka qaarkood la saxiixdeen inkastoo aan la shaacin.

339400cookie-checkDadaalada Dowlada Turkiga, Dabinada Ethiopia & Dabacsanaanta Dowlada Federaalka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com