Danjiraha USA ee Somalia Oo Martiqaad Soonka ah u Fidiyay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda iyo Qeybaha Bulshada

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa Danjiraha USA ee Somalia Mr.Larry André Oo Martiqaad Bisha Ramadaan ah u fidiyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada Federaalka iyo Qeybaha kala duwan Bulshada Rayidka ah, kaasoo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Mogadishu…

Wararka ayaa sheegay in Xafladaan Dadka goob jooga ka ahaa waxaa ka mid ahaa kooxaha basaasiinta ugu mihiimsan ee xiriirka la leh Hey’adda CIA-da qeybteeda Muqdisho ku leedahay iyo Mukhtaar Roobow oo ahaan jiray horjooge sare oo ka tirsan Kooxda Argagixisada Shabaabka, haatana haya Xilka Wasaarada Garsoorka.

Mr.Rooboow ayaa sanadkii 2017-kii uu isku soo dhiibay Dowladda Federaalka, kadib wada hadalo qarsoodi ahaa oo dhacay, Miyaysan mudeyn in wax la iska waydiiyo sida hogaamiyihii hore ee Argagixisada Shabaabka iyo Danjiraha USA ee Mogadishu ah ay keli iskugu noqon karaan.

Tani waxay ku tusaysaa midabka rasmiga ah ee Kooxda Ictisaam iyo Faracooda Shabaabka iney yihiin jilayaal hunguri weyn ku jiro oo mustaqbalkooda siyaasadeed iyo naaxinta jeebkoodaba ka fakara.

Danjire Andre, ayaa lagu bedelay Mr.Richard Smith, oo ah Danjiraha cusub ee Somalia xiliga kala-guurka ah, Martiqaadkaan ayaa dhanka kale loo fasiran karaa iney tahay casho sagootin ah oo Safiirka si baxayaa u sameeyay kooxaha Basaasinta ah ee Wararka ka ganacsada.

249140cookie-checkDanjiraha USA ee Somalia Oo Martiqaad Soonka ah u Fidiyay Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda iyo Qeybaha Bulshada
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com