Maxaa Hogaanka Dalka Ka Hortaagan in 2-Hey’adood NISA Loo Qeybiyo Lana Tayeeyo Howlgalkooda…

Security Somalia news

Ololaha ugaarsiga iyo Madax-goynta Isra’el ee guusha gaaban leh ee ka dhanka ah Hogaanka Xisbullah wuxuu leeyahay casharo/saameyn badan oo Somalia ah, Mid ka mid ah, waxay muujinaysaa iyadoo aan si firfircoon loo dhex gelin ama lagu milmin kooxaha xagjirka ah in aanay suurtogal ahayn in laga adkaado, Waxay kaloo muujinaysaa doorka Jilicsan Hey’adaha Sirdoonka..

Ayaan darrada Dalkaan ku habsatay ayaa ah in Hogaanka Dalka ay Madaxda Sirdoonka u xushaan Shaqsiyaad ay Aqoonta ku gaaban tahay, kuwaasoo gaba doorka Hey’adda ka qaadan laheyd sida uruurinta Xogaha, Falanqaynta, Warbixinada sirta ah inay u gudbiyaan Siyaasad-dejiyeyaasha agabka iyo fursadaha jawaabta, Hey’adda NISA midna ma qabato, Taas bedelkeeda, kooxda Argagixisada Shababka waxey sanooyinkaan dambe ku guuleysteen iney dhex galeen heer kasta oo Nidaamka DFS, sida sare kaca falalka amni-darrada ka jirta Muqdisho Caasimada ay muujinayso, xitaa haddii ay DFS dib u soo celiso dagaaladii ay waayahan dambe waday, waxaa la filan karaa in Horjoogayaasha Shabaabka ay dib isu soo abaabuli karaan oo ay dib u bilaabaan Dagaaladooda ku Dhuf oo ka dhaqaaq ku dhisan.

Hey’adaha Amaanku waxey u baahan yihiin Dib u habeyn dhab ah oo aqoon ku dhisan, waana iney Hogaanku Dalku ka gudbaan iney Khubadaha Jimcayaasha ee Masaajidka Madaxtooyada & Tacsiyadaha, Nidaamka Amaanku wuxuu taagan yahay Is-goys, iyadoo uu halis ugu jiri in Nidaamka Dowladeed uu burbur qarka u saaran yahay, Dalkaan Koox Diimeed hubeysan khataraha taagan kama bixin karaan.

Xidido-Siibka iyo jabinta kooxaha argagixsada marar dhif ah ayay keentaa iney soo afjarmaan rabshadaha dhiig daadinta xambaarsan, haddii ay shaqeynayaa sababtii ama fikirkii waxba soo kordhin meyso Dagaal goos goos ah oo lagu qaado oo aan qorsheysneyn, Inta badan way qaabeeyaan oo dib ugu soo baxaan wax ka sii xun kii asalka ahaa, Al-Qaacida waxaa ka farcamay ISIS; Maxaakiimta Islaamiga ah waxey wada u xaareen Shabaabka Amel waxey u xuub siibatsy Xisbullah iwm.

Khubarada ku Xeel dheer arrimaha Amaanka ayaa qaarkood qaba in Hey’adda Sirdoonka loo kala qeybiyay Hey’ad Sirdoon oo Xuraanka ururisa Xuuraanka Gudaha (Intelligence) iyo Mid Lid-Xuraan (Counter-Intelligence) oo Cadowga Dibeda, waxeyna kala qeybintaam sahleysa in Howlaha Sirdoonka gudo iyo dibadba xuuraan ka raadiyaan iskaashina ka yeeshaan.

344940cookie-checkMaxaa Hogaanka Dalka Ka Hortaagan in 2-Hey’adood NISA Loo Qeybiyo Lana Tayeeyo Howlgalkooda…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *