Ma Dhabaa in Qaab Qabiil Lagu Xulaayo Macallimiinta Cusub ee Dowladda Qoraneyso

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Shaqaalaha cusub ee Wasaaradda Waxbarashada qaadaneyso lagu qeybsanayo nidaamka qabiilka ee 4.5, waxa ayna arrintaasi dhalisay hadal heyn badan oo bulshada dhaxdeeda ah iyo tuhun horseedi kara in 3000 ee Macallimiinta ah ee cusub la boobo..

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir oo la hadlay mid kamid ah Telefishinada dalka ayaa beeniyay wararka sheegaya in qaab qabiileed lagu qeybsanayo macalimiinta cusub ay qaadaneyso wasaaradiisa.

Waxa uu sheegay wasiirka in ay hadda socoto xulista macalimiinta ay qaadaneyso Wasaaradda Waxbarashada, waxa uuna sheegay in macalimiinta lagu xulanayo tartan furan oo hufan loona saaray guddi kala saaraya Macalimiinta shaqada soo codsatay.

Miisaaniyadda Wasaaradda Waxbarashada Somalia ayaa sannadkaan la kordhiyay, waxaana lagu daray dhaqaale badan oo la qorsheeyay in mushaar ahaan loo siiyo saddexda kun ee macalimiinta ah ee wasaaradda qaadaneyso.

235910cookie-checkMa Dhabaa in Qaab Qabiil Lagu Xulaayo Macallimiinta Cusub ee Dowladda Qoraneyso