Ma Dhabaa In Wadaadada Kooxda Ictisaam ay Dhexdhexaad ka yihiin Dagaalka looga Soo Horjeedo Shababka..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan 4-maalmood ee u dambeysay si hoose uga socday magaalada Nairobi (Kenya), qaar ka mid ah Culumada Xarakada Al-Ictisaam (Ex-Ittixaad), Kulankaan ayaa loogu magac daray “Kaalinta Culimada ee Heshiisiinta Soomaalida”, waxaana ka soo qeyb galay Tiro badan oo Xarakadaan ka mid ah…

Kulankaan ayaa lagu falanqeeyay doorka Culimada ee ku aadan xaalada Adag ee Xiligaan Dalku ku jiro, iyo sida ay mowqif mideysan Xarakadaan uga qaadan lahaayeen dagaalka dhanka ka ah Kooxda Shababka oo markii horeyba ka soo farcamay Xarakadaan, iyadoo Wadaadadaan qaarkood la sheegay iney difaaceen Kooxda Shababka iyo xasuuqa ay ku hayaan Shacbiga Soomaaliyeed.

Halka Qaar kale oo ka mid Culimadaan ay soo jeediyeen in laga gaabsado ka hadalka Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada Dowlada Federaalka iyo Kooxda Argagixisada Shababka, iyagoo farta ku fiiqay in Dagaalkani uusan aheyn mid Diin ku saleysan balse ay yihiin kooxo ku dagaalamaaya Xukunka iyo mid dano gaar ah laga leeyahay dhaawacna u geysanaaya Dalka iyo Diinta.

Mid ka mid Kooxdaan oo Kulanka ka qeyb galay ayaa ku dooday in “Hadii aan Fiqi iyo ku dhaqan Shareecada fiirino Kooxda Shababka ayaaba uga dhow kuwa Hogaanka Dalka u haya”, dhawaaqaan ayaa wuxuu sii xoojinayaa in Culimada ku shirtay Magaalada Nairobi oo dhaqaalaha ky baxay ay bixiyeen Kooxda Shababka ay yihiin kuwo markii horeba isku aragti ka ahaan daadinta Dhiiga Shacbiga Soomaaliyeed.

281930cookie-checkMa Dhabaa In Wadaadada Kooxda Ictisaam ay Dhexdhexaad ka yihiin Dagaalka looga Soo Horjeedo Shababka..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com