Saraakiisha Amniga Jigjiga Oo Xabsiga Dhigay Milkiile Hoteel

Africa News Somalia news

Hay’adaha ammaanka ee Dowlad degaanka Soomaalida Ethiopia ayaa albaabada isugu dhuftay Sahal Hotel oo ku yaal magaalada Jigjiga, kadib markii galinkii hore ee shalay ay xubno mucaarad ahi damceen in Hoteelka ay shir ku qabsadaan…

Wararka ayaa sheegay in Xubnahaan mucaaradka ah oo la magac baxay garabka sixitaanka ee PP, iyo Taageerayaashooda ayaa xalay damcay in shir ay ku qabsadaan hotelkan, shirkaasoo ay ku sheegeen in dhaqaale loogu ururinayo dadka ay abaartu saamaysay, balse Ciidanka Amniga ee degaanka ayaa dadkii kala eryay, qaarna xabsiga u taxaabtay.

Sidoo kale galinkii dambe ee shalay waxay Hay’adaha Amnigu xabsiga dhigeen Mulkiilihii hotelkan oo lagu magacaabo Saada Cali Sahal, walise lama caddayn sababta xadhigeeda, Ma jirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda, oo ku saabsan hotelkan albaabada la isugu dhuftay iyo xariga Mulkiilaha.

171860cookie-checkSaraakiisha Amniga Jigjiga Oo Xabsiga Dhigay Milkiile Hoteel