Ma Dhabaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu Shirad Xildhibaano Shiraako ku yihiin uu u Oggolaaday…

Somalia news

Qoraal uu soo saaray Wasiiro Dowlaha Xafiiska Wasiirka 1-aad ayaa ogolaansho lagu siiyay Shirkad gaar loo leeyahay oo lagu magacaabo Tashi International Initiative (TII). Shirkaddan waxaa leh Tiro Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka saaxiibana la ah Mr.Xamze Cabdi…

Wararka ayaa sheegaya in Shirkaddan ay Dowladu u xilsaartay inay wakiil uga noqoto Mashaariicda la xiriira hal-abuurka, Tiknoolaniyadda, Cilmi baarista, Dhismaha Shaybaarro, Arrimaha horumarinta khayraadka Badda, horumarinta dhaqaalaha, u suuqgeynta badeecdaha dalka ee suuqyada caalamka iyo shaqooyin kale.

Markii warkan lagu baahiyay baraha internet-ka, waxaa markiiba hawada laga saaray website ka shirkadda oo ay ka buuxeen macluumaad is khilaafsan iyo sawiro shaqaale ajnabi ah, iyadoo fadhiga shirkadda lagu sheegay inuu yahay guri ku yaalla aag deegaan oo ay qoysas Soomaali ah ka dagan yihiin xaafadda Parklands ee Nairobi iyo Muqdisho Mall oo ku yaala Degmada Xamarwayne.

279560cookie-checkMa Dhabaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha uu Shirad Xildhibaano Shiraako ku yihiin uu u Oggolaaday…