Isbaheysiga Seddex Geesoodka ee Egypt, Eritrea & Somalia oo la Dhisay…

Africa News Security Somalia news

Hogaamiyayaasha Dalalka Masar, Eritrea & Somalia ayaa ku heshiiyay in la dhiso Guddi wadajir ah oo saddex geesood ka kooban Wasiirada Arrimaha Dibadda ee dalalkaasi, si ay iskaashi istiraatiiji ah uga yeeshaan dhamaan dhinacyada kala duwan ee Amniga  iyo Iskaashiga Gobolka kuna aadan khataraha..

Waxeyna hoosta ka xariiqeen inay lama huraan tahay ku dhaqanka mabaadi’da aasaasiga ah iyo tiirarka sharciga caalamiga ah; gaar ahaan ixtiraamka aan mugdi ku jirin ee madaxbannaanida, Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dalalka Gobolka, iyadoo lagu heshiiyey in la horumariyo sii qoto-dheereeyo iskaashiga iyo isku-xirnaanta saddexda Dal si kor loogu qaado Hey’adaha Amaanka si ay uga hortagaan caqabadaha kala duwan ee Gudaha iyo Dibada.

Iyadoo si qoto dheer loo dul istaagay Dagaalada Dalka Sudan iyo Xaaladaha Somalia marka loo eego is-bedellada gobolka ee u dambeeyay, Arrimaha Amniga iyo Iskaashiga u dhexeeya Wadamada Litterral ee Badda Cas iyo Gacan-biyoodka Bab-al Mandab iyadaoo la eegayo muhiimadda ugu weyn ee marin badeed oo muhiim ah, Nidaamka isku xirka diblomaasiyadeed iyo dadaallada wadajirka ah ee ka dhexeeya 3-Dal, iyadoo lagu heshiiyey in la dhiso Guddi Wadajir ah oo Saddex geesood ah oo ka kooban Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Eritrea, Egypt iyo Somalia, si ay iskaashi istiraatiiji ah uga yeeshaan dhamaan dhinacyadaan.

346120cookie-checkIsbaheysiga Seddex Geesoodka ee Egypt, Eritrea & Somalia oo la Dhisay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *