Wadahadalada Nabada ee Ethiopia & Jabhada Tigrey Oo Lagu Qabanaayo Dalka South Africa

Africa News

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Midowga Afrika ayaa qorsheeyey in wadahadalada u dhexeeya Dowladda Ethiopia iyo kooxda Tigray ee TPLF ay ka dhacaan dalka Koonfur Afrika, bishan October 24-keeda sida laga soo xigtay Mas’uuliyiin ka tirsan Ethiopia…

Wadahadalkan oo dhowr jeer oo hore qabsoomi waayey, savabo badan awgood ayaa la doonayaa in lagu soo afjaro colaadda wakhtiga dheer qaadatay ee ka socotay gobolka waqooyiga ee Gobolka Tigray, Warkan ayaa ku soo beegmaya xili maalmo ka hor Dowladda Ethiopia ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen saddex magaalo oo istaraateji ah oo ku yaalla gobolka Tigray, sida magaalada Shire oo ay ku nool yihiin dadka ugu badan ee ku barakacay dagaalada ka socda gobolkaas.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa diblomaasiyiintu ay ku boorrinayeen Dowladda Ethiopia iyo Xoogaga Tigrayga inay isla meel dhigaan xabbad joojin degdeg ah, iyadoo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu ka digay xaaladda ka jirta waqooyiga Ethiopia isagoo ku tilmaamay in xaaladdu ay faraha ka sii baxayso.

219900cookie-checkWadahadalada Nabada ee Ethiopia & Jabhada Tigrey Oo Lagu Qabanaayo Dalka South Africa
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com