Share the post "Amaro guuritaan la Dul Dhigay Dadka Degen Dhulkii Wasaarada Kaluunka & Sababta…"
Qoraal uu soo saaray Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale, ayaa lagu faray Ciidamada Boliiska Qeybta Guud iyo Nabadsugida Gobolka iney Dadka degan ka saaraan xaafada xero Kalluun ee ku dhaw Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde…
Xaafadaan Dadka laga saarayo ayaa waxaa iska leh Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda, waxaana Dhismayaashaan degan Dad shacab ah oo sanado badan halkaasi kunoolaa, kuwaasoo lagu amray in hadda deg deg uga baxaan.
Dhanka kale, Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhulka xero Kalluun ee leedahay wasaaradda Kalluumeysiga in la iibinayo, waxaana horey dadka degan dhulkan ugu baaqay in ay isaga guuraan wasaaradda Kalluumeysiga oo sheegtay in iyaduu baahan tahay dhulkan.
Maamulka Villa Somalia ayaa horey Dad shacab ah oo deganaa dhul Dowladda leedahay xoog uga saartay, dhulalka Danta guud ayaa la sheegay in badankood ay iibsaneyso Maamulka Xasan Sheekh, waxaana dhulalkaasi la wareegaya Ganacsato qaraabo la sh Hogaanka Dalka.