Ma Dhabaa in Wadihii Gaariga Ex-Madaxweynihii hore oo u Baxsaday Degaanada Kooxda Shababka ka Taliyaan…

Somalia news

Iyadoo Maalmihii u dambeeyay ay socdeen Warar la xiriira in Wadihii Gaariga ee Madaxweynihii hore Maxamed. Abdullaahi Farmaajo uu u baxsaday degaanada ay Maamulaan kooxda argagixisada Shababka, ficilkaan ayaa la yaab ku noqday Shacbiga Soomaaliyeed, waxaana horey u baxsaday Wadohii Gaariga ee Gudooniyihii hore ee Baarlamaanka..

Wararka ayaa sheegaya in Wadaha Gaariga aan Xabada karin (Bulletproof) magaciisana lagu sheegay Sahal Maxamed Xirsi, isagoo Gaariga ka iibsaday magaalada Mogadishu, wuxuuna ka degay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo una sii gudbay Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe, Ficiladaan ayaa xoojinaaya in Kooxda argagixisada ay Xafiisyada Dowlada ku leeyihiin (Cell sleep).

Markii uu dhacay Weerarkii Hotelka VIlla Rays oo ku yaalla Afaafka hore ee Madaxtooyada, waxaa la waayey oo Shabaab u goodtay darawalkii gaarka ah ee Maxamed Mursal Guddoomiyihii Golaha Baarlamaenka xiligii Maamulka Farmaajo, taasoo muujisay heerka uu gaaray isku milanka Hey’adaha Dowladda iyo Kooxda Argagixisada Shabaabka.

Ilo wareedyo ayaa tilmaamaya In Wadaha Gaariga Farmaajo uu Shabaabka u baxsaday maalmo kadib markii uu dhacay weerarkii Hotel SYL oo ku yaalla banaanka hore ee Madaxtooyada Villa Somalia ayaa sii badinaya shakiga laga qabo xiriirka ka dhaxeeya Maleeshiyada Shabaabka iyo kooxda Farmaajo, gaar ahaan Ex Agaasimihii NISA Fahad.

317420cookie-checkMa Dhabaa in Wadihii Gaariga Ex-Madaxweynihii hore oo u Baxsaday Degaanada Kooxda Shababka ka Taliyaan…