Maxaa Diidaya in Dib u Eegis Dowladu ku Sameyso Heshiisyada Iskaashi ee Ethiopia la Gashay…

Africa News Somalia news

Muwaadiniin Soomaaliyeed ayaa is-weydiinsya Maamulka Addis abeba ma soo hawaysan jirin Badda Somalia markii Ciidammadeedu ay faragalinta ku joogeen Dalkeena (2006-2009), waxeyna ka faa’iidaysanaysaa heshiisyada difaac ay Dowladda Federaalka la saxiixatay sanadkii 2014 iyo sanadkii 2023..

Heshiiska ugu dambeeyay uu Wasiirka Gaashaandhigga Mr.Cabdulqaadir Maxamed Nuur soo saxiixay 7-Diseembar 2023 waxaa ka mid ah qodob sheegaya in “Somalia iyo Ethiopia iska kaashan doonaan Amniga Badda (maritime security), Miyeey dowladda Federaalku aamminsan tahay in Somalia iyo Ethiopia ay wadaagaan soohdin badeed.?

Labada heshiis difaac Ethiopia lala galay oo ay hadda cuskanayso waxaa oggolaatay Dowladda Federaalka oo sidoo kale oggolaatay in ciidanka Ethiopia sanadkii 2014 ku soo noqdaan Dalka, iyagoo aan ka mid ahayn ATMIS (oo 2014kii loo yaqaannay AMISOM), waxeyna Fariisimo ku leeyihiin Gobolada Bay, Bakool, Galgudud iyo Gedo.

Gudoonada Baarlamaanka Oo ka Aamusay Heshiisyada Iskaashi

Aqalada Sare iyo Hoose way ka aamuseen heshiiska difaac Dowlada Federaalka la gashay Ethiopia si Viidammadeedu kaalin uga qaataan dhowrista Amniga, Heshsiika Difaac ay Dowladu la gashay Addis abeba wuu ka halis badan yahay Heshiiskii Is afgarad oo ay Somalia sanadkii 2009-kii ku raacday Kenya in Badda Somalia hadda ay leedahay tahay mid  “la isku haysto”. Sanadkii 2023 gef weyn oo sidaas oo kale ayaa dhacay oo loo baahnaa inay Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare diidaan sidii uu baarlamaankii 2009 u diiday Heshiiskii Is Afgarad dhexmaray 🇸🇴 & 🇰🇪.

299060cookie-checkMaxaa Diidaya in Dib u Eegis Dowladu ku Sameyso Heshiisyada Iskaashi ee Ethiopia la Gashay…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com