Ma Dhabaa Dagaalkii Laas caanood Hubkii & Saanadii Lagu Qabsaday uu Halis ugu jiro iney Gataan Kooxaha Argagixisada…

Somalia news

Warbixino Amaan ayaa ka digaaya in Colaadaha iyo Abaabulka Maleeshiyaadka ee ka tagaan Degaanada Oog iyo Gumeys ay khatar gelin karaan Xasiloonida iyo degenaashaha Gobolada Togdher iyo Sool, iyadoo Hub iyo Saanad badan oo laga qabsaday Maamulka Somaliland ay gacanta u geli karaan Gadisleyda Hubka iyo Kooxaha Argagixisada…

Wararka ayaa sheegaya in Saraakiisha Sirdoonada Dowladaha USA iyo Ethiopia ay cadaadis ku saareen Dhinacyada ku dagaalamay Duleedka Degmada Laas caanood iney joojiyaan Abaabulka colaadaha isla markaasna wadal lagu dhameeyo Khilaafka u dhaxeeya isla markaasna xakameeyaan Hubja, iyagoo sidoo kale Maamulada Somaliland, Puntland & Maamulka SSC ay yeeshaan wada hadalo..

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in dagaalkii Degaanada Goojacade looga Qabaaday ku dhawaad 1700-Qory noocyada Fudud iyo kuwa culus, halka Gaadiidka Gaashaman, kuwa Dagaalka 60 iyo Taagiyo 6 looga qabsaday Maleeshiyaadka Somaliland ay gacanta u geli karaan Kooxaha Hubka dilaala kuwa ka ganacsada iyo kooxaha argagixisada, isla markaasna khatar gelin kara Amaanka iyo xasiloonida Gobolada Waqooyiga iyo Waqooyi-Bari ee Somalia.

Dowlada Ethiopia ayaa xirtay Xuduuda ay la leedahay Maamulada Puntland iyo Somaliland, iyadoo sabab uga dhigtay xasilooni darrada degaanada kor ku xusan ka taagan, waxey Wada hadal ugu yeertay iyagoo kaashanaaya Saraakiil USA ka socda Saciid Dani, Muuse Biixi iyo Garaadka guud ee Gobolka Sool, ku darsoo Suuqyada Iibka Hubka ee Garoowe iyo Gaalkacyo ayaa la sheegay in Qiime-dhac uu ku yimid gaar ahaan Qoriga PKM oo horey loogu kala iibsan jiray 25-Kun US$ haatana uu gaaray 7000-US$.

276230cookie-checkMa Dhabaa Dagaalkii Laas caanood Hubkii & Saanadii Lagu Qabsaday uu Halis ugu jiro iney Gataan Kooxaha Argagixisada…