Share the post "Shir Madaxeedka Dalalka Carabta iyo Islaamka oo maanta lagu wado inuu ka furmo Sacuudiga.."
Waxaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Riyad ee Dalka Sacuudiga Shir Madaxeedka Dalalka Carabta iyo Islaamka, looga hadli doonaa dagaalka Israel ee ka dhanka ah magaalada Gaza Dalka Palastine iyo Dalka Lebanon iyo xaaladaha ka taagan Bariga Dhexe..
Madaxda Carabta & Islaamka ayaa ka wadahadlaya colaadda iyo gumaadka ka dhanka ah dadka Falastiin iyo Lubnaan, gaar ahaan joojinta xasuuqa iyo sidii gurmad degdeg ah ay u heli lahaayeen dadka reer Qasa ee dhibaataysan, iyadoo shirka ay ka soo qeyb-galayaan madax iyo wufuud ka socoto dowladaha xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka.
Inta lagu guda jiro shirkan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona Madaxda, Boqorrada, Amiirrada iyo Hoggaamiyeyaasha Islaamka ee shirka ka soo qeyb-galaya, si loo xoojiyo xiriirka dalkeennu uu la leeyahay Caalamka Islaamka iyo Carabta.