Hir-Shabelle iyo Qorshayaasha Villa Somalia

Somalia news

Warbixino wel welkooda xambaarsan ayaa sheegaya in Maamulka Fashilmay ee Farmaajo ee muddo xileedkiisu dhamaadka yahay, uu diyaariyay Qorshe lagu dhalan rogaayo qaab-dhismeedka uu hadda u dhisan yahay Maamulka Dowlad goboleedka Hir-Shabelle, iyadoo fulintiisu loo xil saaray Agaasimaha NISA iyo shaqsiyaad ka soo kala jeeda Beelaha Muddulood iyo Xawaale…..

Xogtaan ayaa Diinah.com news u xaqiijisay in Qorshahaan uu salka ku hayo sidii Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-shabelle looga wareejin lahaa Beesha Xawaale, isla markaasna loogu magacaabi lahaa Xubin ka soo jeeda Beelaha Mudulood (Gaar ahaan Madaxweyne Kuxigeenka), iyadoo lagu wado in bisha soo socota uu dhaco doorashada Xildhibaanada degaanada Hir-shabelle.

Hadii uu qorshahaasi guuleysto, waxaa lagu wadaa in Shaqsi ka soo jeeda Beesha Xawaadle oo qaarbo hoose la ah Marwada Madaxweynaha loo magacaabo Xilka Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka, iyadoo Mr.Farmaajo uu taageerayaashiisa u sheegay in uusan Xilka Wasiirka 1-aad u magacaabi doonin Xubno ka soo jeeda Beelaha Mudulood, HG, iyo Murusade, wuxuuna ku eedeeyay Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Odayaasha Beelahahaan iney ka soo horjeedaan in dib loogu doorto xilka Madaxweynaha.

Siyaasiga Abdirahman Cabdishakur ayaa sheegay:-Doorashadii Hirshabelle waxaa lagala hadlayaa taliyaha Nabadsugidda, Xalka Gedo waxaa ka xaajoonaya Madaxweynaha Jubbaland iyo TN. Waxaa kulmay madaxweynihii hore iyo TN. Madaxweynayaasha maqan waxaa raadinaya TN. Horta sii hayihii aaway? mise waa maqaar saar? Maxaase Raysalwasaare looga baahanyahay mar haddii uu hawlahan TN hayo? Maa wiilka xilka loo magacaabo illeyn xaajo ugub ah maaha oo horay ayaa Maxamad Siyaad xilkaan ugu magacaabay Maxamad Cali Samatar oo beesha shanaad ah, beesha sugaysana dacwadii ayaa ka dhamaatee looga faataxeeyo?.

58670cookie-checkHir-Shabelle iyo Qorshayaasha Villa Somalia