Kenya Oo Sheegtay iney Qabteen Ajaaniib u soo Safartay iney ku Biiraan Daacish-ta Somalia..

Somalia news

Laamaha Amaanka ee Kenya ayaa sheegay iney dhawaan qabteen 3-Nin oo laba ka mid ah ay Walaalo yihiin kuwaasoo ku sii jeeday Dalka Somalia si ay ugu biiraan Ururka argagixisada Daacish-ta ee ka howlgala degaanada Buuraleyda Puntland…

Wararka ayaa sheegaya in Eedeysanayaasha Walaalaha ah oo magacyadoodu kala yihiin Ayuub Bwanaadi oo 32-sano jir ah iyo Maxamed Bwanaadi oo 22-sano jira iyo Qaasim Axmed oo 29-jir ah, Eedeysanayaashani ayaa lagu qabtay degaanada Isiolo 7-dii Bishaan April, iyagoo la socda Bus ku sii jeeday degmada Mooyaale.

Sida laga soo xigtay Boliiska Qeybta Argagixisada la dirirka (ATPU), 3-Eedeysane ayaa baxsad ka ahaa degaanka Laamu kadib markii lagu soo oogay iney Falalka argagixisimo ka geysteen degaanka ay ka soo jeedaan, iyadoo la horgeeyay 11-ka Bishii April si loo xalaalweyo xarigooda isla markaasna Muddo 30-maalmood ah ay ka dalbadeen Maxkamadda Baarayaasha si ay uga gungaaraan Kiiskaan.

Eedeysanayaasha staa Boliiska u sheegay iney kasoo safrwen Dalka Tanzania ayna sii mareen degaanka Lunga-lunga maalamana ku hakadeen degaanka Islii ee Nairobi, waxeyna qorsheysteen iney ka gudbaan Xadka Magaalada Mooyaale ee Ethiopia si ay ugu dambeynta u gaaraan Dhulka Buuraleyda Puntland Somalia, iyagoo sheegay in Ninka ku qalaaaliyay iney Daacishta ku biiraan ay magaciisa ku sheegeen Cali Omar Bwanaadi oo baxsad ku ah Dalka Tanzania.

Baarayaasha Boliiska ayaa daboolka ka qaaday in saameynta sii kordheysa kooxaha Argagixisada ISIL ama Daacish ee Qaarada Africa, waxey xiligaan faracyo ku leeyihiin Dalalka South Africa, Mozambique, Tanzania, Kenya, DR Congo, Somalia iyo Gobolka Saaxiil, iyadoo aysan jirin iskaashi dhanka Amaanka ah ee Dalalka kor ku xusan.

255160cookie-checkKenya Oo Sheegtay iney Qabteen Ajaaniib u soo Safartay iney ku Biiraan Daacish-ta Somalia..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com