Farmaajo Oo Lagu Cadaadinaayo Inuu Tanaasul La Yimaado

Somalia news

Xogo laga helay Xarunta Amisom Ee Xalane ayaa sheegaya in Wakiilada Beesha caalamka ay ka xumaatay tallaabooyin marin habaabin ah oo uu qaaday Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday ee Farmaajo waxeyna sheegeen inay dhaawac culus u geystay dadaalladii ay wadeen wakiilada caalamka islamarkaana xaalada sii adkeysay…

Kulan ay yeeshaan Wakiilada Beesha Caalamka ayeey ku gorfeeyeen sidii loo gudbi lahaa caqabadaha uu ku hor gudbay Mr.Farmaajo in Kulanka Khilaafka Doorashada Looga hadli lahaa Ee Teendhada Afisioni uu afduubtay kadibna shir garabkiisa ku qabsaday talaabadaan oo marinkii ka leexisay ujeedadii laga lahaa Kulanka.

Qoraal ay wakiilada caalamka u direen Mr.Farmaajo ayey ku sheegeen in dowladda ay sii adkeysay xaaladda Khilaafka Doorashada, gaar ahaan ay rajo dishay shirkii la filayay in xal looga gaaro muranka doorashada Dalka, taasoo ay soo abaabushay Qaramada Midoobay, ilaa iyo haddana aan qabsoomin.

Iyadoo ay ka duuleysa ayey Wakiilada Beesha Caalamka waxey joojiyeen shirkii Afisyoone, waxayna taa beddelkeeda hadda xooga saareysa in shirar aan toos aheyn lagu xaliyo arrimaha taagan kahor shirka guud, taasoo iyadana shalay uu isbaaro u dhigtay kadib markii uu 3-da Maamul (Galmudug, K/Galbeed iyo H/Shabelle) u diiday shir lagu casumay, inkastoo uu xalay oggolaaday balse Shuruudo Ku xiray in aan Wakiilada Beesha Caalamka ka qeyb gelin kulankaasi.

Danjirayaasha Mareykanka, Norway, UK, Talyaaniga, EU-da iyo UN-ka ayaa Mr.Farmaajo ku cadaadinaya inuu u qoor dhiibto Wakiilada beesha caalamka si loo dhameeyo muranka doorashada Somalia, talaabadaasi laga cabsi qabo in dalka u horseedo qalaalso Siyaasadeed iyo dagaalo sokeeyo.

104980cookie-checkFarmaajo Oo Lagu Cadaadinaayo Inuu Tanaasul La Yimaado