Share the post "Mas’uliyiin & Xildhibaano ku booqday Askarigii Dhaawaca loogu Geystay Xarunta Baarlamaanka.."
Macluumaad ayaa laga helayaa Tiro badan oo Mas’uuliyiin ah oo uu ku jiray Xikdhibaankii Feerka ku dhaawacay Askarigii gudaha Xarunta Baarlamaanka Amniga wax ka sugaayay ayaa Isbitaalka Madiina ku booqdeen, waxaana si adag lagu cambaareeyay falkaas gacan ka hadalka ah..
Waa Ficil aad loo la yaabo in Xildhibaano Sharci-dejiyayaal ah oo metelaya Shacabka ay ku kacaan fal noocan ah, oo dhaawacaya sharafta Hay’adaha Amaanka Sareynta iyo ilaalinta Sharciga, iyadoo Amaan, bogaadin iyo dhiirigelin loo diray Xoogaga Amaanka ee muujiyern dulqaad, bisayl, iyo xirfad ay ku maareeyeen xaaladda, iyagoo ka fogaaday falcelin ka baxsan anshaxa shaqadooda.
Taliska Boliiska ayaa shaaciyey iney diyaarinayaan tallaabada la gudboon in falkaan loo gudbi doono Guddiga Anshaxa ee Baarlamaanka iyo Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka, si sharciga loo marsiiyo Xildhibaanadii ku kacay Falalkaasi, Qoraalka Taliska ayaa lagu xusay:-
“Boliiska Soomaaliyeed waa tiirka ugu muhiimsan ee sugaya nabadda iyo amniga, waana saaxiibka muwaadinka, mar walbana diyaar u ah inuu u adeego bulshada si hufan oo sharaf leh,”.