Qaabka Loo Fuliyay Howlgalka Lagu Masaafuriyay Taakeeye iyo Yaase Gacan ka Geysteen Qabashadiisa..

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ay iska kaashadeen Hey’adaha Sirdoonka Kenya iyo Somalia, iyadoo ay qeyb ka ahaayeen Saraakiil Sirdoon oo Reer Galbeedka ka tirsan kuwaasoo muddo ku raad joogay Shaqsigaan (Sufyaan Axmed Sheekh) oo horey looga soo tarxiilay Waqooyiga America…

Xogo loo qaateen ah ahaa sheegay in Wada shaqeynta Hey’adaha Sirdoonka Kenya Iyo Somalia ay soo hagaageysa wixii ka dambeeyay markii uu Hogaanka Sirdoonka Kenya loo magacaabay Muwaadin Somali/Kenyan ah, kaasoo xitaa safar shaqo oo ah Qarsoodi ku yimid magaalooyinka Mogadishu iyo Kismaayo isla markaasna Heshiis kula galay NISA wada shaqeyn.

GOORMA & SIDEE LAGU SOO QABTAY?

Shaqsigaan uu mudooyinkii ugu dambeeyay ku noolaa magaalada Nairobi isla markaasna sare u qaaday Faafinta afkaarta Xag-jirninada, isagoo ku dhiiri gelinaayay Dhalinyarada iney Dacwadiisa ku soo biiraan, ayaa labada Sirdoon ee NISA oo Somalia ah iyo NIS oo Kenya ah ay iska kaashadeen soo xirista Sufyaan, iyadoo saraakiil ka tirsan NISA ay arrinkaa Kenya u tageen, si ay howlgalka uga qayb qaateen, waxaana ka horeeyay Ninkii Reer Xamarka ahaa ee Shixnadaha bagaasha ahaanta ka soo iibin jiray China kaasoo todobaadkii hore laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Mogadisho.

Howgalka lagu soo xiray Shaqsigaan (Taakeeye) ayaan hadda dhicin, balse wuxuu soo bilaawday bishii tagtay, oo laba jeer la soo qabtay, inkastoo muddo 2-maalmood ah uu ku jiray Gacanta Hey’adda NISA, waxaase la isweydiinayaa Yaa ku xiga, Warar ayaa sheegaya in Horgalada NN sida Cali Jeeb ku jire iyo xubno kale oo ku sugan Nairobi ayaa lagu wadaa saameyso Iskaashigaan sida loo soo dusiyeen Warsidaha Diinah.com news.

280240cookie-checkQaabka Loo Fuliyay Howlgalka Lagu Masaafuriyay Taakeeye iyo Yaase Gacan ka Geysteen Qabashadiisa..